Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ku tilmaamay weerarrada Israel ku hayso Lebanon “xadgudub cad” oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna sheegay inay tahay “calaamad khatar ah” oo muujinaysa in aan si dhab ah la isugu heellayn karin heshiisyo suurtagal ah.
Hadalladan ayaa yimid maalin kadib markii militariga Israa’iil ay sheegeen inay ku qaadeen Lubnaan in ka badan 100 weerar oo cirka ah. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Hezbollah “meel kasta oo loo baahdo”.
Qoraal uu ku daabacay barta X, Pezeshkian wuxuu ku sheegay in sii socoshada weerarradu ay ka dhigi doonaan wadaxaajoodyada “macno la’aan”, wuxuuna ka digay in gacmaha Iran ay “ku sii jiri doonaan keebka qoriga”.
Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad-Bagher Ghalibaf, ayaa ka digay in “jebinta xabbad-joojintu ay leedahay cawaaqib cad iyo jawaabo adag”.
Ghalibaf wuxuu sidoo kale sheegay in Lebanon ay tahay “qayb aan laga maarmi karin oo ka mid ah xabbad-joojinta”, isla markaana aysan jirin “meel loogu laabto ama lagu inkiri karo”.
Wuxuu ugu dambayn ku baaqay: “Dabka si degdeg ah ha loo demiyo.”

