Gabar Wariye Maraykan ah Oo ka Hadashay Dhaqamo Xun Oo ay ku soo Aragtay Israel “Waa Dal Nacayb ku Dhisan..”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Abby Martin, oo ah wariye Maraykanka u dhalatay oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Israel ayaa sheegtay in dalkaasi yahay mid nacayb ku dhisan.

Wariye Abby Martin ayaa ka sheekaysay dhaqano ay ku tilmaantay kuwa layaab leh o ay ku soo aragtay magaalooyinka waawayn ee Israel, ayaa tiri

“Waan aamini waayay waxaan maqlayay. Waxay dhahayeen: ” Ma Carab ayaad tahay?’, markaan dhaho mayee Maraykan ayaa ahay. Waxay dhahayeen: ‘Hadaa waan ka sheekaysan karnaa xumaanta Carabta iyo siddaan u necebnahay Fa*lastiin.’

“Waxaan ka qayb galay dibad baxyo ay lahaayen ha naga baxaan qaxootigu. Dadka Afrikanka xitaa ma ogola. Way takooran oo waxay siiyan daawoyin dhalmada lagula dagaallamo, ma doonnayan in ay dadka kale ku dhex dhallaan. Itoobiyanka ayay siiyan daawoyinka dhalmada lagulla dagaallo.”

“Meeshas wax rajo ah macal shacabkoda kama muuqato. Waa meel loo dhisay kala sarrayn iyo nacayb. Tanni waa xaqiiqada dhabta ee ISR. Waa dal hal koox u xidhan. Yuh*uda waxay ku dhisantahay nacayb.”