Netanyaahu oo ku Gacan Seeray Dalabka Trump Ee Joojinta Duqeymaha Lubnaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin uu u diray dadka ku nool waqooyiga dalka, ku sheegay in “aysan jirin xabbad-joojin ka dhaceysa Lubnaan.”

“Waxaan sii wadaynaa inaan si adag u beegsanno Xizbollah, mana joogsan doono ilaa aan dib u soo celinno amnigiinna,” ayaa lagu yiri farriin uu daabacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Netanyahu wuxuu mar kale ku celiyay ujeeddooyinka Israa’iil ee ah in hubka laga dhigo xisbullaah iyo “in la xaqiijiyo heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo waara oo u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.”

Farriintan waxay timid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu mid kamid ah warbaahinta Mareykanka u sheegay in Netanyahu uu ku wargeliyey Israa’iil inay “yareeyso” weerarrada ka socda Lubnaan iyadoo wadaxaajoodyada nabadda ay socdaan.