Gud.Baarlamaanka Iiraan Oo Laba Sharuudood ku Xiray Furitaanka Wada-hadalada Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf oo la ka mid ah xubnaha Iiraan uga qayb-galya wadahadallada Mareykanka, ayaa sheegay in wadahadallada lala yeelanayo Mareykanka aysan bilaaban karin ilaa laba shuruud oo muhiim ah la fuliyo: sida ay waxyar ka hor baahisay Al Jazeera.

1•In la dhaqan geliyo xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan

2•In la sii daayo hantida Iiraan ee la xanibay

Mohammad Baghe oo arimahaasi ka hadlayaa Wuxuu yiri:
“Laba arrimood oo labada dhinac horay ugu heshiiyeen weli lama fulin: xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan iyo sii daynta hantida Iiraan ee la xanibay ka hor inta aan wadahadalladu bilaaban…Labadan arrimood waa in la fuliyo ka hor bilaabidda wadahadallada.”