Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar saaka aroortii hore lagu qaaday fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo ay maleeshiyaad isugu jiray Al-Shabaab iyo kooxo taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ay weerar ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada, iyagoo adeegsanaya gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Wasaaraddu, ayaa si adag uga hortagay weerarka, waxaana ay tilmaantay in ciidamadu ay fashiliyeen qorshihii kooxaha weerarka soo qaaday ee ahaa inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Intii uu socday iska-horimaadka, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay dileen ku dhowaad 30 kamid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena nolosha lagu qabtay.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday, sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Ciidanka Xoogga Dalka ay weli wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Baydhabo, isla markaana lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya qaybo kamid ah magaalada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo natiijada hawlgallada socda marka uu soo gabagaboobo.
