Trump ayaa sheegay inuu talaabo milatari ka qaadayo Iiraan hadii aysan u hogaansamin Wadahadalada socda, wuxuuna ku hanjabay in maraakiibta dagaalka Mareykanka dib loogu rari doono hubka hadii ay wadahadaladu burburaan.
Trump isagoo Iiraan ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan la macaamileynaa dad aan la hubin iney run sheegayaan iyo in kale, marka ay annaga na hor joogaan waxay noo sheegaan iney gabi ahaanba ka takhalusayaan hubka nukliyeerka, kadib waxay u baxaan warbaahinta iyagoo leh maya waxaan rabnaa inaan bacarimino uranium-ka.”
“Waxaan maraakiibteena dagaalka ka buuxineynaa hubkii ugu awooda badan ee abid la sameeyay, hadii aysan heshiis gelin waan adeegsan doonaa hubkaasi waxaan a waxaana samayn doonaa burburin dhameystiran oo wax ku ool ah,” ayuu raaciyay. .”
Iraaniyiinta uma muuqdaan inay garwaaqsan yihiin inaanay haysan wax kaar ah, marka laga reebo baadda mudada gaaban ah oo ay adduunka ka qaataan iyagoo isticmaalaya marinnada biyaha caalamiga ah.
“Sababta kaliya ee ay maanta u nool yihiin waa in la wadahadlo.” Beri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in dalka Pakistan uu ka furmo wadahadal u dhaxeeya labada dal.

