Mareykanka ayaa xaqiijiyay inay Iiraan la yeesheen wada-hadalkii u horreeyay oo fool-ka-fool ah oo ay dhex dhexaadisay Pakistan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo la hadlay Al Jazeera.
Imaaraadka Carabta ayaa ku cadaadiyay Pakistan inay dib usoo celiso 3.5 bilyan oo doollar oo horey Abu Dhabi ay ugu shubtay bankiga dhexe ee Pakistan si looga hortaggo xaalad dhaqaale oo Pakistan ay ka wajahaysay in bankiga dhexe ay ka dhammaato kaydka lacagaha qalaad, lacagtaa oo ahayd deyn, isla markiiba cadaadiskan waxaa ka jawaabay Sacuudiga iyo Qatar oo hadda ku shubaya bankiga dhexe ee Pakistan 5 bilyan oo doollar, lacagtaa oo aan ahayn deyn ee lagu kabayo degganaashaha dhaqaalaha iyo kaydka bankiga dhexe , taa oo Pakistan u fududeynaysa inay celiso lacagta Imaaraadka iyadoo aan wajihin wax saameyn dhaqaale ah, sida ay maanta baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Dalalka Ingiriiska iyo Ireland ayaa wajahaya xaalad shidaal yari saameynteeda deg deg ay u baahayso, iyadoo dawladda Ingiriiska ay hadda ka cabsi qabto inay dhacaan bannaanbaxyo waa weyn ,halka Ireland ay xirmeen 600 oo xarumood oo shidaalka lagu iibin jiray, kuwaasoo ka mid ah 1,600 ee xarumaha shidaalka ee dalkaa ku yaalla, sabab la xiriirta xirnaashaha marinka Hormuz iyo hoos u dhaca ku yimid dhoofinta shidaalka, taa ka dhalanaysa duullaanka Mareykanka ku qaaday Iiraan, sida uu weriyey wargeyska The Telegraph.

