Saturday, April 11, 2026

M/Cirro Oo Golahaa Guurtida u gudbiyey Go,aankii Komishanka ee Muddo kordhintav.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa la sheegay inuu Golahaa Guurtida u gudbiyey go,aankii Komishanka Doorashooyinku ku sheegeen Wakhtiga ay ku qaban karaan Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka, taas oo ah muddo 9 Bilood ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa sheegay in Madaxweynuhu golohooda u gudbiyey go,aanka komishanka ee wakhtiga doorashada, taas oo ay ku salayn doonaan Wakhtiga saxda ah ee dalka doorasho ka dhici karto, Isla markaana ah wajibaad distoori ah oo ay leeyihiin Golaha Guurtidu.

Golahaa Guurtida ayaa la filayaa Inay dhowaan gudo geli doona arrinta muddo kordhinta, taas oo la filayo Inay noqon doonto khudbad sanndéedka Madaxweynaha ka did.

Si kastaba ha ahaatee lama oga Inta ay ka dhigi doonaan muddo kordhintaasi Golaha guurtidu ay samayn doonaan dhowaan oo aad loogu dheg taagayo.