Saturday, April 11, 2026

Hegseth Oo Sheegay In Laba Markab Oo Maraykanka ah ka Gudbeen Hormuz Iyo Iran Oo Beenisay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha dagaalka Mareykanka, Pete Hegseth ayaa sheegay labo markab oo Mareykan ah inay maanta ku guuleysteen inay ka gudbaan marinka Hormuz oo ay ka howlgalaan gacanka Carabta.

Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa sheegey in howlgal miino baaris ah ay labada markab ee Frank Peterson iyo Michael Murphy ay ka sameeyeen marin-biyoodka Hormuz, inkasto ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ay beeniyeen wax maraakiib Mareykan ah inay maanta ka gudbeen marinka Hormuz.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Iiraan ayaa u sheegay wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim:
“Iiraan waxay go’aansatay inaysan oggolaan doonin in wax markab ah uu maro iyada oo aan oggolaansho laga haysan marin-biyoodka Hormuz…Markab kasta oo doonaya inuu maro waa inuu si buuxda u helo oggolaanshaha Iiraan.”