Tuesday, October 6, 2026

Ciidamada Dowlada Yemen Oo Bilaabay Hawlgal Militari Oo Loogu Magac-darey “Fajar Al-Yaman”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guutada Al-Camaaliqah (Giant Brigades), oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudiga, ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya bilowga hawlgal militari oo ballaaran oo ay ugu magac dareen “Fajar Al-Yaman” (Waaberi-gii Yemen), kaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

Hawlgalkan ayaa u muuqda mid qorshaysan oo looga golleeyahay in dib loogu qabsado dhulal muhiim ah oo ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan, gaar ahaan aagagga istiraatiijiga ah ee ku yaalla xeebta galbeed iyo gobollada gudaha Yemen.

Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinaya hub culus, gaadiid gaashaaman iyo taangiyo, iyo ciidamo ka tirsan Al-Camaaliqah oo ka qaybgalaya hawlgalka.

Baahinta muuqaalladan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu labada dhinac u dhexeeyo dagaal dhinaca warbaahinta ah, iyadoo mid kasta uu adeegsanayo muuqaallo uu ku muujinayo dhaqdhaqaaqyada iyo guulaha uu ka sheeganayo furimaha dagaalka