Agaasimaha Guud ee shirkadda ASELSAN ee Türkiye, Ahmet Akyol, ayaa sheegay in Türkiye ay doonayso in xarunta hawada sare ee Soomaaliya ay u isticmaasho gantaalladeeda, isla markaana ay mustaqbalka u furto dalal iyo khubaro caalami ah.
Akyol ayaa sheegay in xaruntu aysan ku koobnaan doonin oo keliya goob gantaallo laga diro, balse muddo ka dib loo horumarin karo si ay u noqoto xarun weyn oo hawada sare ah, taas oo ay isticmaali karaan khubarada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha hawada sare.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinaca hawada sare, iyadoo Soomaaliya loo qorsheynayo inay yeelato kaabayaal u sahli kara in laga sameeyo hawlo la xiriira dayax-gacmeedyada iyo duullimaadyada hawada sare.
