Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyo saraakiil ka tirsan safaaradda ayaa kormeeray xarunta laga diri doono dayax-gacmeedyada ee ku taalla degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka socdo dhismaha xarunta.
Danjire Alkan ayaa indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee xarunta, isagoo la kulmay howlwadeennada iyo maamulka gacanta ku haya mashruuca, kuwaas oo warbixin ka siiyay halka uu marayo dhismaha iyo howlaha socda.
Booqashada ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu saacado ka hor khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 77-aad ee Caalamiga ah ee Cir-bixinta kaga hadlay mashruuca xarunta dayax-gacmeedka Soomaaliya. Erdoğan ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hawada sare uu faa’iido u leeyahay labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Mashruucan ayaa ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ay iska kaashanayaan, iyadoo labada dowladood ay muddooyinkii dambe dardargelinayeen dhismaha xarunta laga diri doono dayax-gacmeedyada, taas oo laga hirgelinayo deegaanka Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xaruntan ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya u noqoto saldhig ay kaga qaybqaadato cilmi-baarista iyo howlaha hawada sare, iyadoo sidoo kale qayb ka noqonaysa qorshayaasha Turkiga ee horumarinta barnaamijkiisa hawada sare iyo ballaarinta iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya iyo dalalka Afrika.
