Isarael Oo Sheegtay In Bur-bur ku Dhawyahay Wada-hadaladii Maraykanka Iyo Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay isku diyaarinayo dagaalka inuu dib u qarxo, iyadoo sarkaal Israa’iili uu u sheegay warbaahinta in rajo xumadu ka badantahay rajada laga qabo wada-xaajoodka ka socda Pakistan oo ay ku sheegeen inay burbur ku dhowyihiin.

Wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan uga socda Pakistan ayaa gaaray meel adag oo u muuqata dhinacyada inaysan wax is fahan ah gaarin, iyadoo laga digayo inuu burbur ku yimaado wada-xaajoodkan, taa oo dib usoo celin karta dagaalka, sida ay werisey CNN.

Wajiga saddexaad ee wada-hadallada u dhaxeeyay Iiraan iyo Mareykanka oo ay dhex dhexaadisay Pakistan, ayaa soo dhamamaday, iyadoo aysan jirin wax isku soo dhawaasho ah, waxaana wali shaqeynaya guddiyada farsamada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iiraan ee Fars.