Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismooyin cusub oo ay leeyihiin Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War Isgaarsiinta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhismayaashan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu dib u dhisayo kaabeyaasha muhiimka u ah ciidamada, si kor loogu qaado hufnaanta maamulka, isku-duwidda iyo taageerada howlgalada amniga.
Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarumahan cusub, isagoo si gaar ah u tilmaamay in ay door weyn ka qaadan doonaan xoojinta awoodda ciidanka, gaar ahaan dhinacyada sahayda, isku xirka howlgalada, maamulka xogta iyo wada xiriirka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarinta dhinacyadan ay muhiim u tahay guusha howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay Xarunta Daryeelka Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa daryeelka dowladda ee qoysaska ciidamada iyo qiimeynta doorka ay ka qaateen difaaca qaranka.
Xarunta daryeelka agoonta ayaa la qorsheeyay inay bixiso adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin waxbarasho tayo leh, hoy ku habboon nolosha carruurta, iyo barbaarin dhameystiran oo ka caawinaysa inay yeeshaan mustaqbal wanaagsan. Ujeeddadu waa in la hubiyo in ubadka ay ka tageen halyeeyada qaranka aysan dareemin dayac, balse ay helaan fursado nololeed oo u dhigma kaalinta ay waalidkood ka qaateen difaaca dalka.
Ugu dambeyn, tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee ku aaddan dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada qalabka sida, iyadoo la xoojinayo awooddooda howlgal iyo sidoo kale daryeelka bulshada ku xiran, si loo gaaro amni waara iyo dowladnimo xooggan.










