Afayeenka Baarlamanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal hanjabaad ah oo kasoo yeeray madaxwayne Trump waxuuna yiri. “Hadii Mareykanku markale isku dayo inuu na tijaabiyo, waxaan siin doonaa duruus ka wayn kii hore.”
Trump ayaa caawa ku hanjabay inuu hal maalin ku bur-buri karo taliska islaamiyiinta Irana wuxuu yidhi Iiraan waxaan ku baabi’in karnaa hal maalin oo kaliya.
Dhinaca kale Ciidanka Iiraan ayaa ku hanjabay iney bixin doonaan jawaab daran hadii Markab dagaal uu kusoo dhawaado gacanka Hormus, sida ay ku warantay Warbaahinta Tasnim.
Ciidanka Iiraan ayaa yidhi “Sabab kasta ha noqoto, hadii Markab dagaal uu usoo dhawaado gacanka Hormus, waxaan u arki doonaan inuu jabinayo xabad joojinta waxaana u jawaabi doonaa si adag.”

