Khilaaf ka dhex aloosan Madaxweyne Firdhiye iyo Ku-xigeenkiisa

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne ku-xigeenka Woqooyi-bari, Cabdirashiid Yusuf Jibriil Abwaan, ayaa maanta ka baxay kulan qado-sharafeed ah oo ka socday Laascaanood ka dib markii uu goobta soo gaaray Madaxweynaha maamulka Woqooyi-bari, Cabdulqaadir Firdhiye. Ka bixitaanka kulanka ee abwaan ayaa yimid xilli ay socdaan dadaallo lagu xallinayo khilaaf ka dhex taagan labada mas’uul.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Laascaanood, ayaa ku howlan wadahadallo iyo waan-waan lagu doonayo in lagu qaboojiyo khilaafka u dhexeeya hoggaanka maamulka Woqooyi-bari.

Khilaafka ka dhex curtay Madaxweynaha maamulka Woqooyi-bari Cabdulqaadir Firdhiye iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Abwaan Khilaafkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo munaasabaddii caleema-saarka, kaddib markii aan fagaare ka hadal laga siin mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Haylaan, oo uu ka soo jeedo madaxweyne ku-xigeenka.

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jen. Asad, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire, iyo xubno kale ay ku howlan yihiin dadaallo lagu raadinayo xal si loo qaboojiyo khilaafka u dhexeeya labada mas’uul.

Ilo-wareedku waxay tilmaamayaan in xal u helidda arrintan ay muhiim u tahay xasiloonida iyo wada-shaqeynta hoggaanka maamulka Woqooyi-bari, waana markii ugu horeysay ee khilaaf noocan ah uu soo kala dhex galo hogaanka sare ee maamulka woqooyi bari.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.