Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso dhismaha 3 biyo-xireen oo cusub oo laga hirgelinayo Webiga Nile, kuwaas oo la filayo in lagu dhammeeyo muddo ku dhow toddobo sano, iyadoo maalgelinta mashruuca lagu qiyaasay ilaa $10.5 bilyan.
Mashruucyadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda Itoobiya ee kordhinta tamarta korontada, gaar ahaan tamarta biyaha si ay uga jawaabto baahida sii kordheysa ee gudaha dalka iyo qorshaha dhoofinta koronto ee dalalka deriska ah.
Sidoo kale, qorshahan cusub ayaa imanaya iyadoo horey Itoobiya u dhistay mashaariic waaweyn sida Grand Ethiopian Dam, taas oo noqotay mid ka mid ah biyo-xireennada ugu waaweyn Afrika, isla markaana si weyn u kordhisay awoodda koronto ee dalka.
Inkasta oo mashruucyadan loo arko horumar dhaqaale iyo tamareed, haddana waxaa la filayaa inay sii xoojiyaan doodaha ku saabsan wadaagga biyaha Webiga Nile, gaar ahaan dalalka hoos yimaada sida Masar iyo Suudaan.