Madaxweynaha Finland ayaa sheegay in xakamaynta Iiraan ee marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ay la mid tahay hub aad u xoog badan sababtoo ah waxay si weyn u saameyn kartaa ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka.
“Xakameynta marin-biyood Hormuz ee ay gacanta ku hayso Iiraan, waxay u dhigantaa hub nukliyeer oo dhab ah, xaqiiqada aan la iska indha-tiri karina waa in gacan sareynta jirto dhinaca Iiraan oo haysata awood ay wax ku cadaadin karto.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay hadda haysato awood badan iyo fursado ay ku saameyn karto xaaladda maadaama ay gacanta ku hayso marin biyoodka Hormuz oo muhiim u ah maraakiibta iyo shidaalka adduunka.

