Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay inay hakineyso heshiiskii difaaca ee u dhexeeyay Talyaaniga iyo Israa’iil, kaas oo ku saabsanaa is-weydaarsiga qalabka militari iyo cilmi-baarista tiknoolajiyada.
“Anagoo eegayna xaaladda hadda jirta, dawladdu waxay go’aansatay inay joojiso dib-u-cusboonaysiinta tooska ah ee heshiiska difaaca ee ay la leedahay Israa’iil,” ayay Meloni ka sheegtay shir ka dhacay magaalada Verona ee waqooyiga Talyaaniga,sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka Talyaaniga ee ANSA iyo AGI.
Meloni ayaa sidoo kale sheegtay in “dadaal kasta oo suuragal ah” la sameeyo si dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz.,
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Israel ayaa beeniyay inuu jiray heshiis difaac oo ay la la haayeen dawlada Talyaaniga waxuuna yiri
“Majiro wax heshiis amni ah oo dhex yaalla Israel iyo Talyaaniga, waxaa ay tixraacayaan isfaham (MOU), sanado badan ka hor na dhexmaray, waligiis ma noqon heshiis dhab ah.”
Sikastaba ha noqotee arintan talyaaniga ku dhawaaqay ayaa ku soo beegmaysa xili ay Israel duqayn culus ku hayso dalka Lubnaan iyadoo ay siddoo kale wali taagan tahay xaaladda marin-biyoodka Hormuz

