Saturday, October 3, 2026

Imaaraadka Oo Fal aragagixiso ku Tilmaamay Weerarkii lagu Qaaday Duuliyihii Flydubai

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta, Hamad Saif Al Shamsi, ayaa maanta shaaciyay in baaritaanka dhacdadii diyaaradda Flydubai ee ku socotay Telaabiib lagu ogaaday in kaaliyihii duuliyaha uu isku dayay inuu fuliyo weerar argagixiso oo lagu burburin lahaa diyaaradan oo ay la socdeen in ka badan 100 oo Israa’iiliyiin ah.

Wuxuu sheegay in kaaliyaha duuliyuhu uu qorshihiisa bilaabay intii ay diyaaradda hawada ku jirtay, isagoo gudaha qolka duuliyeyaasha ku weeraray kabtanka diyaaradda faaska loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, kadibna isku dayay inuu gacanta ku dhigo qalabka lagu hago diyaaradda.

Xeer-ilaaliyaha guud wuxuu sheegay in baaritaanku weli socdo si loo ogaado dhammaan faahfaahinta dhacdada, sababihii ka dambeeyay iyo cid kasta oo xiriir la lahayd, iyadoo sidoo kale la dhammeystirayo baaritaannada farsamada iyo hubinta caddeymaha la taaban karo iyo kuwa dijitaalka ah. Wuxuu sheegay in natiijada kama dambaysta ah la shaacin doono marka baaritaannada la dhammaystiro.

Flydubai, hadda waxaa laga joojiyay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israa’iil.