Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka.
Kulanka, oo sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa looga hadlay howlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo taageerada UK ee hay’adaha amniga Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidamada Soomaaliya ee la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Wasiir Fiqi ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo kulanka uu qeyb ka yahay wadatashiyada joogtada ah ee labada dal ee ku saabsan amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay kordhineyso dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliya iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
