Suudaan Oo Imaaraadka iyo Itoobiya ku Eedeysay Duqeyntii Garoonka Diyaaradaha Khartoum Iyo Iran Oo

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Suudaan ayaa maanta ku eedeeysay inay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya weerar duqeyn ah ka fuliyeen Garoonka Diyaaradaha Khartoum iyo duulaanka ay ku hayaan shacabka Suudaan, balse Itoobiya ayaa diiday eedeymahaasi.

Diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka kacay Itoobiya ayaa shalay weeraray garoonka iyo meelo kale oo ka tirsan magaalada Khartoum ah iyo goboladda Niilka ay duqeeyeen.

Afhayeenka ciidanka Suudaan,Jen. Asim Awad Abdelwahab ayaa yiri: “Waxa ay Itoobiya iyo Imaaraadku sameeyeen waa gardarro toos ah oo ka dhan ah Suudaan, mana aamusnaan doono.”

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray:“Ciidamadeennu si buuxda ayay diyaar ugu yihiin inay ka hortagaan khatar kasta.”

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa diiday eedeymahaas, kuna tilmaantay kuwa aan sal lahayn,iyadoo militariga Suudaan ku eedeysay inay kicinayaan qalalaase oo ay taageerraan fallaagada TPLF.

Sidoo kale waxa ay Itoobiya ku sheegtay inay marar badan iska dhaga xirtay eedeymo uga yimid militariga Suudaan , sababtoo ah xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Balse , sarkaal sare oo ka tirsan TPLF, oo lagu magacaabo Amanuel Assefa, ayaa sida ay Al Jazeera baahisay wuxuu diiday hadalka dawladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn maamulka Suudaan, isagoo ku eedeeyay dawladda Itoobiya inay eedda ku wareejinayso cid kasta marka laga reebo nafteeda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay weriye reer galbeed ah oo ku saabsan awoodda Mareykanka, isagoo muujiyay mowqif adag oo ka tarjumaya xiisadda sii kordheysa ee labada dal.

Screenshot

Weriyuhu wuxuu si toos ah u yiri: “Mareykanka waa quwad weyn (superpower) maxaa idiin suuragelinaya inaad wajahdaan? Maxaad u tanaasuli weydeen?”

Hase yeeshee, jawaabta ka timid dhinaca Tehran ayaa ahayd mid aan dib u laaban lahayn:

“Annaguna sidoo kale waxaan nahay quwad weyn.”

Dab ayaa ka kacay dhowr markab oo ku sugnaa deked ku taalla koonfurta Iiraan

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in dab uu ka kacay dhowr markab oo ganacsi oo ku xirtay dekedda Dayyer ee koonfurta dalka.

Majid Omrani, madaxa waaxda dab-damiska ee Dekedda Dayyer, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mehr oo xiriir la leh IRGC, in dab-damiyayaashu ay ku howlan yihiin xakamaynta dabka.

Sababta keentay dhacdadan weli lama oga.