Wednesday, April 15, 2026

Taliyada Ciidanka Pakistan Oo Maanta Gaaray Iran Iyo Fariimaha Uu Gudbinayo

by Heemaaln
1 minutes read

Taliyada Ciidanka Pakistan, Asim Munir ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay caasimada !ran ee Tahran. waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka arimaha dibada Iran

Warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB ayaa sheegtay in wafdiga Taliyaha uu gudbinayo farriin ka timid Maraykanka isla markaana uu qorsheynayo wareeg labaad oo wadahadallo ah. Wareeggii koowaad ee ka dhacay Islamabad dhammaadkii usbuucii hore ma keenin heshiis.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa Arbacadii u duulay Saudi Arabia, isagoo bilaabay safar saddex dal ah oo ka horreeya wareeg labaad oo suuragal ah oo wada-hadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Islamabad ayaa sheegtay in Sharif uu sidoo kale booqan doono Qatar iyo Turkey inta u dhexeysa 15-ka ilaa 18-ka April.

Safarkan diblomaasiyadeed ayaa lagu macneeyay dadaal lagu xoojinayo wadatashi goboleed, iyadoo la raadinayo xal lagu dejiyo xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.