15
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa xukun ku riday nin u dhashay Shiinaha oo lagu qabtay isaga oo tahriibinaya 2000 oo ah Qudhaanjada dalkaas laga helo.
Ninkan ayaa sidoo kale lagu xukumay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7700 oo Dollarka Maraykanka ah.
Kenya ayaa dagaal aad u adag ka gashay tahriibinta Qudhaanjada iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay gacanta ku soo dhigtay dad ajaanib ah oo Qudhaanjo tahriibinayey.

