Wasiirka dagaalka ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in xannibaadda uu Maraykanku saaray Iran ay tahay “habka deggan ee arrintan loo maareyn karo,” isagoo xusay in warshadaha tamarta ee Iran aan weli la burburin.
Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay jeceshahay inay sheegato inay maamusho Strait of Hormuz, balse uu sheegay inaysan lahayn ciidan badeed oo awood leh. “Ma xukumi kartaan waxba,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Iiraan ay ku hanjabeyso inay gantaallo iyo diyaarado drone ah ku weerari doonto maraakiibta ganacsiga, balse taas uusan ahayn xakameyn dhab ah. “Taasi waa burcad-badeednimo, waa argagixiso,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Ciidanka Badda Maraykanka ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee soo galaya kana baxaya marinka Hormuz, islamarkaana ay ku maamulayaan wax ka yar 10% awoodda guud ee ciidanka badda Maraykanka.
Afhayeenka baarlamaanka Iran ‘Xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan waxay muhiim u tahay xabbad-joojinta Iran.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed-Bagher Ghalibaf, ayaa telefoon kula hadlay dhiggiisa Lubnaan, Nabih Berri, isagoo sheegay in “xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan ay muhiim u tahay” Tehran sida “xabbad-joojin ka dhacda Iiraan.”
Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in “intii lagu jiray wadaxaajoodyadii Islamabad [ee lala yeeshay Maraykanka] iyo wixii ka dambeeyay,” Iiraan ay “si dhab ah u waday dadaallo lagu qasbayo cadawga” si ay ugu heshiiyaan “xabbad-joojin joogto ah.”
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu maanta la kulmay Taliyaha Ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir.
Wafdi ka socda Pakistan ayaa la sheegay inuu u safray Tehran si loo sii wado wadahadallada ku saabsan xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka.
Ghalibaf ayaa noqday mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee nidaamka Iiraan tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, wuxuuna hoggaaminayay wafdiga Iiraan ee wadaxaajoodyadii dhowaan ka dhacay Islamabad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay in is-dhaafsiga fariimaha u dhexeeya Tehran iyo Washington uu “sii socdo” iyadoo loo marayo dhexdhexaadinta Pakistan kadib markii wadaxaajoodyadii Axaddii fashilmeen, balse ma uusan xaqiijin wararka sheegaya suurtagalnimada in la kordhiyo xabbad-joojinta hadda jirta ee u dhexeysa Maraykanka.
Turkiga: Waanu sii wadi doonaa taageerada wadahadalada nabada ee Iran
Turkiga ayaa Maanta sheegay inuu sii wadi doono taageerada wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, isagoo ku boorriyay dhinacyada inay noqdaan “kuwa wax dhisa” inta lagu jiro wadaxaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.
Turkiga, oo xubin ka ah NATO isla markaana deris la ah Iiraan, ayaa xiriir dhow la lahaa Maraykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyaha Pakistan, wuxuuna marar badan ku baaqay in la joojiyo dagaalka.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku sheegtay warbixinteedii toddobaadlaha ah: “Waxaan sii wadi doonnaa inaan bixino taageerada lagama maarmaanka ah si xabbad-joojinta hadda jirta ay u horseeddo xabbad-joojin rasmi ah, ugu dambayntiina nabad waarta.”
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Waxaan rajeyneynaa in dhinacyadu ay qaataan hab wax dhis ah wadaxaajoodyada socda.”
Ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, iyo Masar ay qorsheynayaan inay kulmaan inta lagu jiro shir diblomaasiyadeed oo ka dhacaya Antalya, Turkiga, dhammaadka toddobaadka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo shalay iyo maanta u safray Sacuudi Carabiya iyo Qatar, la filayo inuu ka qayb galo kulankaas.
Israa’iil ayaa sheegtay in ay burburisay 70 goobood oo ururka Xisbullah ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan
Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay inay burburiyeen ku dhawaad 70 goobood oo ay lahaayeen Hezbollah oo ku yaalla Bint Jbeil, koonfurta Lubnaan, shalay.
Qoraal lagu daabacay Telegram ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha dalkaas, Benjamin Netanyahu, uu sheegay shalay in Israel ay qarka u saaran tahay inay meesha ka saarto “xarun weyn oo Hezbollah ah” oo ku taalla aaggaas.
Saaka hore, Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sheegay inay qabteen weerar drone ah oo laga soo tuuray Lubnaan habeenkii.
Waxay intaas ku dareen in drone-ka ay soo rideen ciidamada badda Israel, kuwaas oo ay sheegeen inay ka qayb qaateen ku dhawaad 40 hawlgal oo difaac ah si ay u ilaaliyaan hawada dalka tan iyo markii uu bilowday khilaafka.
Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa sheegay in marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz aan loo adeegsan karin cadaadis siyaasadeed ama dhaqaale.
Albudaiwi, oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Yurub, ayaa ku adkeeyay in isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda marinkan muhiimka ah iyadoo xoog la adeegsanayo uu yahay mid aan la aqbali karin.
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadaha gobolka ay sare u sii kacayaan, iyadoo marinka Hormuz uu weli yahay halbowlaha ganacsiga shidaalka ee caalamka.

