Badmaaxiinta saaran Markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln ayaa ka cawday cunto yari iyo tayada cuntada oo liidata, intii lagu guda jirey dagaalka Iiraan.
Waxay sheegeen in dagaalka Iiraan oo dheeraaday iyo silsilada sahayda cuntada oo diciifday darteed la xadiday cuntada taasina ay mararka qaar ku keentay gaajo iyo niyad jab, sidoo kale Qoysaskooda ayaa sheegay in badmaaxiinta saaran Markabkaasi ayay marar badan gaajoodeen oo aysan helin cunto ku filan.
Mareykanka ayaa ku wargeliyay qaar ka mid ah dalalka Yurub ee xulafada la ah inuu dib u dhac ku imanayo hubkii uu Mareykanku u diri lahaa dalalkaas, sababo la xidhiidha in dagaalka Iiraan uu si weyn u yareeyay kaydkii hubka ee Mareykanka, sida ay sheegtay Reuters

