Wednesday, June 17, 2026

M/Cirro Oo Sheegay in Somaliland Xoojinayso Iskaashiga Dalalka Maraykanka, Imaaradka iyo Israa’iil.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Dalalka Maraykanka, Imaaradka Carabta iyo Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa waxa uu intaasi raaciyay iskaashiyada dalalkaas ay Somaliland la leedahay qaarkod horeba u bilaabmen hadana la xoojinayo.

Aqoonsiga Israa’iil ka dib Imaaradka Carabta iyo Maraykanka ayaa safafka hore kaga jiray dalalka la filaayo inay Somaliland aqoonsadan, Hadalka Madaxweyne Cirro ayaana xaqiijinaya in Somaliland xidhiidh wanaagsan kala dhaxeeyo dalalka Imaaradka Cabarta iyo Maraykanka.