Reem Al Hashimy oo haweeney sare oo ka tirsan Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Iiraan ay tahay dowlad ka xun horumarka uu Imaaraadku sameeyay iyo inuu noqday tusaale lagu daydo.
Reem ayaa tidhi “Waxaan isticmaalnay hantideena shidaalka si aan u dhisno awood dhaqaale oo xoogan oo aan u noqono tusaale lagu daydo. Iiraan iyadu waa dowlad la takooray, waxayna doonayeen iney burburiyaan Imaaraadka maadama uu tusaale yahay.”
“Imaaraadku wuxuu 40 maalmood gudaheed Iiraan kala kulmay 2800 oo iskugu jira gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxayna weeraradaas in ka badan 90% ay ku dhaceen kaabayaasha rayidka.”
