Afar Xisbi Siyaasad Oo ku Taliyay In Xisbiga FEP Laga Saaro Xisbiyada Deegaanka Somalida kuna Eedeeyen Qodobo-waawayn

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afar xisbi siyaasad ee Deeganka Somalida ah ayaa shir ay yeeshen ku go’aamiyay in Dallada xisbiyada Deeganka Somalida Itoobiya laga saaro Xisbiga FEP.

Xisbiyadan Deeganka ayaa xisbiga FEP Eedaymo waawayn u soo jeediyay iyagoo ku tilmaamay xisbi neceb horumarka deegaanka waxayna ku eedeyeen arrimahan hoose:

1. Xisbiga FEP wuxuu ka soo jeeda qowmiyadaha Itoobiya ee sidda cad u diiddan qodobka 39aad ee Aayo-ka tashiga.

2. Xisbiga FEP ma aaminsana nidaamka Federaalka qowmiga ah. In qowmiyad walba Afkeda wax ku barato iskuna maamusho dhaqankeeda.

3. Waxaa arrimahan markhaati u ah Barnaamijka siyaasaded ee Xisbiga FEP oo si cad u qeexaya arrimaha kore. Waxaana marag u ah mar ay xisbiyada Soomalidu ka hadleen Magaalada Diridhaba oo ay sheegen in ay tahay magaalo Soomali leedahay, xisbiga FEP wuu diidday. Waxay sheegen in amnigga Qaranka Itoobiya taabanayso arrinta Diridhaba, islamarkaana aysan diyaar u ahayn ka hadalkeeda.

4. Xubnaha madaxda ka ah xisbiga waxaa lagu eedaynayaa in ay ka qayb qaaten xasuuqi TPLF iyo xukuumadii horee Deeganka, iyaga oo xilal sare sidda Latliye madaxwayne ka hayay.

5. Xisbiga FEP, wuxuu la arragti yahay xisbiyo horrey loogu diidday Dallada, oo ay kamid yihiin: Ezema, Enat, iyo Amar National Movement, ayaa lagu yidhi war-saxaafadedka ay waddajir u soo saarren.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.