Heemaal News Network

Kenya Oo ku Hungowday Inay Wada-hadal-siiso Madaxda Somaliya iyo Itoobiya

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa isku howlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiska dhinaca badda ah oo ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Willian Ruto oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Axmed, ayaa waxaa ka biyo diiday madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan wax wada hadal ah la galayn Abiy Axmed ilaa ay Itoobiya meesha ka saarto heshiiskii Is-afgaradka.

Abiy Axmed ayaa ku adkaystay, in heshiiskaas uu ahaa heshiis arrimo ganacsi, ee aanu ahayn in dhul Soomaaliyeed ay darsatay Itoobiya.

Kenya ayaa ku qancisay Addis iyo Muqdisho in ay hoos u dhigaan hadalladooda fagaare ee midba midka kale uu kagasoo horjeedo.

Sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed, Habeenimadii Khamiista markii ay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhoofeen Nayroobi, waxa la isla gartay in aanay mar dambe ka hadlin meel fagaare ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamada Bada Somaliland Oo Hawlgal Ka Fuliyey Bada kusoo Qabtay Tahriibayaal.

Heemaaln

Xildhibanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Heshiiska ku Biirista Urur Goboleedka EAC

Heemaaln

Somaliland Oo soo Dhawaysay Hadalkii R/W Itoobiya Ee Uu kaga soo Horjeestay Midnimada Somaliya

Heemaal