Heemaal News Network

Somaliya Xubin Rasmi ka Noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Ee Bariga Afrika.(Sawiro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas.

Mudane Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda ka socotay magaalada Arusha la guddoonsiiyey calanka wadamadda ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. .

Munaasabadda waxaa goob-goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Raysal Wasaare Xamse Oo Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada

Heemaaln

Puntland Oo Dawlada Somaliya ku Eedeysey in ay ku Been-abuuratay.

Heemaaln

Jabuuti Oo Mar Kale Ku Celisay In Ay Ka Soo Horjeedo Heshiiska Badda Iyo Kala Goynta Soomaaliya

Heemaal