Dunida ayaa wajahaysa khatar aan hore loo arag oo ku saabsan amniga tamarta, sida uu sheegay madaxa Hya’ada Tamarka caalamiga ee IEA Fatih Birol.
Isagoo la hadlayay Reuters, Birol wuxuu ka digay in sicir-bararka shidaalka uu hoos u dhigi doono baahida tamarta, iyadoo dowlado badanna ay bilaabi doonaan tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo saameynta qalalaasaha.
Laakiin waxa ugu culus ayaa ah saameynta dagaalka Iran halkaas oo dunidu horey u lumisay qiyaastii 13 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii.
Tani waxay sawiraysaa xaalad halis ah: suuq tamareed oo aan fadhin , qiimo kor u kacaya, iyo mustaqbal aan la hubin iyadoo dunidu u muuqato inay ku sii siqeyso marxalad cusub oo cadaadis dhaqaale iyo istiraatiiji ah.
