Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo faahfaahisay Markab Iiraan ka yimid oo la qabtay
Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanku ay fuuleen markab ku sugan Badweynta Hindiya oo ay sheegeen inuu siday saliid Iiraan laga keenay.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay muuqaallo muujinaya ciidamo ka baxsanaya diyaarad helikobtar ah oo ku sii jeeday markabka.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu yahay mid aan dal lahayn ama aan wadan calan, laakiin shabakad dhanka internedka ah oo dabagal ku sameysa ayaa diiwaan gelisay isagoo ku safraya calanka Guyana oo ku sii jeeda Shiinaha.
Telefiishanka Dowladda Iran oo soo xiganaya guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in hadda Kharashka cashuurta ay iran ka qaaday maraakiibta adeegsaday marin biyoodka Hurmuz hadda lagu shubaya xisaabaadka bangiga dhexe ee dalka iran.
Marinkan ayaa wali u xidhan dowladda iran.
