Home SomaliHogaamiyaha Ruuxiga Iiraan Oo Shacabka iyo Culumada Ciraaq ku Bogaadiyay Jawaabta ay ka Bixiyeen Gardarada Lagu Hayo Iran

Hogaamiyaha Ruuxiga Iiraan Oo Shacabka iyo Culumada Ciraaq ku Bogaadiyay Jawaabta ay ka Bixiyeen Gardarada Lagu Hayo Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Fariintii ugu dambeysay ee la sheegay in ka timid Hoggaamiyaha Saddexaad ee Ruuxiga Iiraan Mojtaba Khamenei, ayaa waxaa lagu sheegay inuu uga mahadceliyey culimada iyo shacabka Ciraaq oo “jawaab cad ka bixiyay gardarrada ka dhan ah Iran.”

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, fariintan Khamenei waxaa loo gudbiyey mas’uul Ciraaqi ah kadib kulan dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Sare ee Islaamiga ee Ciraaq iyo Safiirka Iran ee Baqdaad.

Tan iyo markii uu qabtay xilka horraantii bishii Maarso, dhowr fariimood oo qoraal ah oo loo aaneynayo Mojtaba Khamenei ayaa la daabacay.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama goob fagaara ah ama ama telefishinka dowladda kama soo muuqan tan iyo markii uu xilka qabtay.

Hoggaamiyihii hore ee Iran, Ali Khamenei, ayaa lagu dilay maalintii ugu horreysay ee duqeymaha 28-ka Febraayo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “ama dhintay ama xaaladdiisu aad u xun tahay, sababtoo ah cidna ma maqal codkiisa”

Dhanka kale, safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa ku adkeystay in maqnaanshaha Khamenei ee fagaarayaasha uu yahay “arrimo amni awgood.”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.