Heemaal News Network

Militariga Mareykanka Oo Deked Mac-mal ah ka Sameynaya Gaza

Militariga Mareykanka ayaa deked ka dhisi doona Gaza si ay gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah uga helaan dhulkaas dhanka badda, ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Joe Biden.

Dekadda ku meel gaarka ah ayaa kordhin doonta xaddiga gargaarka bini’aadantinimo ee soo gaaraya Falastiiniyiinta ilaa “boqolaal baabuur oo dheeraad ah” maalin kasta, sida ay saraakiishu sheegeen.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Biden ayaa sheegay in hindisahaas uusan ku jirin in ciidamada Mareykanka la geeyo dhulka Gaza.

Qaramada Midoobay waxay ka digaysaa in rubuc ka mid ah dadka ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Madaxweynaha ayaa hadalkan si rasmi ah u sheegay mar uu khudbad jeedinayay Khamiistii.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ra’iisul Wasaaraha cusub Ee Falastiiniyiinta Oo Xilkii la Wareegay Iyo Iraa’iil iyo Xamaas

Heemaaln

Xamaas Oo Dalbatay In Loo Sii Daayo Nika Loogu Yeedho Mideeye Ama Mandeela

Heemaal

Ciidanka Israa’iil Oo Duqeeyay Kumanaan Qof Oo Safaf Ugu jiray Raashiin Gargaar ah

Heemaal