Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Boqortooyada Haashimiyadeed ee Jordan Mudane Ayman Safadi.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasilloonida, iyagoo sidoo kale dib u eegay xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana waxa ay isla qaateen muhiimada ballaarinta iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo maalgashiga.
Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Jordan, iyagoo adkeeyay muhiimadda wadahadal joogto ah iyo iskaashi dhow, si loo horumariyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo ku saabsan qeybaha mudnaanta leh, loona wajaho caqabadaha wadajirka ah ee saameeya xasilloonida gobolka iyo kobaca dhaqaalaha.
