Hogaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in xilli cusub uu ka bilaabanayo Khaliijka iyo marin-biyoodka Hormuz,isagoo tilmaamay in mustaqbalka gobolka uu noqon doono mid aan Mareykanku ku lug lahayn, isla markaana u adeegi doona horumarka iyo amniga dadka gobolka.
Farriin ay warbaahinta Iiraan baahisay ayuu ku sheegay Khaliijka nimco weyn, isagoo yiri ; “Ma aha oo kaliya meel biyo ah, balse waa qayb ka mid ah taariikhda iyo dhaqanka Iiraan.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in uu yahay marin muhiim ah oo dhaqaalaha dunida ay ka gudbaan, gaar ahaan Hormuz iyo Gacanka Cumaan.
Wuxuu ku eedeeyay Mareykanka inuu yahay sababta ugu weyn ee amni darrada gobolka, isagoo sheegay in saldhigyada Mareykanka ee dalalka Khaliijka ay keenayaan khatar, isla markaana aysan xitaa si buuxda u ilaalin karin naftooda.
Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay soo martay halgan dheer oo ay ku difaacaysay madax-bannaanideeda, isla markaana ay la dagaallantay quwadihii hore ee gumeysiga sida Bortaqiiska, Holland iyo Ingiriiska.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka gobolka ay arkeen sida ciidamada badda ee Iiraan gaar ahaan kuwa Ilaalada Kacaanka ay u muujiyeen feejignaan iyo awood, iyo sida dadka koonfurta Iiraan ay uga soo horjeesteen faragelinta shisheeye.
Wuxuu xusay in Iiraan iyo deriskeeda ku teedsan Khaliijka iyo Gacanka Cumaan ay wadaagaan hal masiir, isla markaana quwadaha shisheeye aysan meel ku lahayn gobolka.
Ugu dambayn, wuxuu caddeeyay in Iiraan ay ka shaqeyn doonto sugidda amniga Khaliijka iyo in la dejiyo nidaam cusub oo lagu maamulo marinka Hormuz, si loo gaaro xasillooni iyo horumar ay ka faa’iidaystaan dadka gobolka.
