Thursday, April 30, 2026

Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo ka Deyriyay Xaalada Shucuubta Islaamka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa si dareen leh uga hadlay xaalada ay maanta ku sugan yihiin Shucuubta Islaamku.

“Muslimiintu waxay ku jiraan xaalad adag, waxaynu maraynaa xili adag, laga bilaabo Falastiin ilaa Lubnaan, Khaliijka ilaa Suudaan, meel kasta oo aad eegto waxaa kuu muuqanaysa murugo iyo dad ilmadu ka da’ayso oo dhibaateeysan.

“Maalmahan adag ee imtixaanka ay muslimiintu wajahayaan, Dunida sheegata ilbaxnimada waxay iska indha tireen caruur yaryar iyo rayid aan is difaaci karin oo si arxan daro ah loo laynayo. kuwo sannado baddan ka hadli jirey Caddaalad iyo Sinnaan, maanta waxaynu dhammaanteen aragnay wajigooda dhabta ah.”

“Hadaynu muslimiin nahay, waa inaan meel iska dhignaa kala qaybsanaanta, colaada iyo muranka, waxaynu ku qasbanahay ineynu midowno oo aynu noqono hal.”