Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu ka fuliyo Iiraan, weerarro xooggan oo lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha Iiraan, iyo howlgal lagu qabsanayo qaybo ka mid ah marin-biyoodka Hormuz si dib loogu furo aag ay maraakiibta ganacsiga adeegsan karaan.
Sidoo kale hawlgalgan kama maqna in la sameeyo iskuday ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ay ku gaarayaan goobaha lagu hayo kaydka yuraaniyamka la hodmiyay ee Iiraan, sida ay sheegtay warbaahinta Turkiga ee TRT oo xiganaysa Axios oo ah shabakad ku dhow nidaamka Trump oo sidoo kale baahisay inuu faahfaahinta howlgalladan Trump ka heli doono maanta taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka.
Laakiin maxaa loo sii sheegaya qorsheyaal weerar oo sidan muhiim u ah oo soo bandhigistooda ay siinayso Iiraan habab ay uga hortagto, mise waxaa jirta marin habaabin ama ujeedka warkan waxaan u qaadanayna cadaadis la saarayo Iiraan , si ay wadahadal u oggolaato ? Aan u deyno waqtiga
