HNN: Xiddigta pop-ka ee Britney Spears ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay baabuur waday iyadoo sakhraansan aadna u isticmaashay khamri iyo daroogo, kadib markii la qabtay bishii Maarso.
Spears oo 44 jir ah ayaa lagu eedeeyay hal kiis oo ah wadista iyadoo sakhraansan, sida ay sheegtay xeer-ilaalinta. Kiiskani waxa uu ka tirsan yahay waxa loo yaqaan dembi fudud.
Kiiska ayaa lagu go’aamin doonaa dhageysi maxkamadeed oo dhici doona Isniinta toddobaadka soo socda, halkaas oo ay u badan tahay inay ku badbdaado xukun 12 bilood oo tijaabo ah. Qareenadeeda ayaa wakiil ka noqon kara maxkamadda, mana aha khasab inay iyadu si shaqsi ah u timaado.
4-tii Maarso ayay ahayd markii Britney Spears ay booliisku ku joojiyeen deegaanka Ventura ee waqooyiga Los Angeles, kadib markii lagu eedeeyay inay si xawaare sare iyo si aan taxaddar lahayn u waday gaadhi. Waxaa loo qaaday si baaritaanno looga qaado, kadibna xabsiga ayaa la dhigay.
Maalintii xigtay ayaa lagu sii daayay dammaanad, waxaana kadib si iskeed ah ugu gashay xarun lagu daweeyo qabatinka maandooriyaha.
Britney Spears waxay caan ku noqotay fanka pop-ka 1990-meeyadii, waxayna leedahay heeso caan ah sida …Baby One More Time, Oops!… I Did It Again, Toxic iyo I’m a Slave 4 U. Ma aysan sii dayn muusig cusub dhowr sano.
Heemaal News Nework
