Shiinaha Oo Maanta Dhaqangeliyay in Dalalka Afrika ee Xiriirka la leh Canshuur La’aan Keeni karaan Waxsoo Saarkooda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Shiinaha ayaa laga billaabo maanta dhaqangeliyay inay dalalka Afrika ee xiriirka la leh gudaha Shiinaha ku soo galin karaan wax soosaarkooda iyadoo aan wax canshuur ah laga qaadeyn, taasoo dabcan u muuqata inuu Shiinaha ku leeyahay ; “Wax kasta oo aad heysan keena Shiinaha.”

Waxaa xusid mudan in Shiinuhu uu si weyn uga soo dhoofsado Afrika kheyraad dabiici ah, sida macdanta cobalt, copper iyo lithium. Wuxuuna hadda raadinaya habab uu sare ugu qaadayo inuu helo wax soosaarka Afrika, xilli kheyraadka dabiiciga ah uu yahay tartanka ugu weyn ee quwadaha. Shiinaha ayaana ah dalka haysta kaydka ugu weyn ee macdanta caalamka oo xataa Mareykanka uu u dhoofiyo, macdantaa oo lagu sameeyo hubka militari oo diyaaradaha dagaalka ay ku jiraan, tusaale ahaan Shiinaha ayaa laga soo dhoofiya macdanta ugu badan ee laga sameeyay diyaaradda dagaalka Mareykanka ee F-35.

Markii uu sare maray khilaafka canshuuraha ee Trump uu billaabay, waxa lowyaha dhulka ugu dhuftay Trump, waxay ahayd inuu fahmay macdanta ugu muhiimsan ee warshadaha Mareykanka inay ka timaado Shiinaha oo hadda tallaabada uu qaaday ee Afrika uu canshuurta uga dhaafay ay dhalinayso tartan caalami ah oo ay qaaradda maskaxda xiran ay wajahdo.