Dowladda dalka Jabuuti ayaa Cismaan Doubad Souguloeh usoo magacowday inuu noqdo safiirka cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, isagoo beddelaya Safiirkii hore ee dalkaasi Maxamed Ibraahim Yuusuf.
Magacaabistan ayaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah.
Cismaan Doubad Souguloeh ayaa lagu tilmaamaa diblomaasi khibrad leh, waxaana horey uu u soo noqday taliye ka tirsanaa ciidamada Hiil Walaal.
Sidoo kale, waxaa si weyn loogu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay hagaajinta amniga magaalada Beledweyne xilli ay socdeen dadaallo lagu xasilinayey deegaankaasi.
Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, iyo xoojinta iskaashiga gobolka.
