Qaxooti kasoo jeeda Afar dal oo Itoobiyaan ay kamid yihiin ayaa laga soo tarxiilay dalka Maraykanka iyaga oo laga dajiyay dalka Cameroon asbuucan gudihiisa, sida ay qareenadoodu u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.
Sagaalkan qaxootiga ah ayaa loogu diray bartamaha Afrika heshiis ay wada gaareen Cameroon iyo Maraykanka.
Sida laga soo xigtay AFP, dadka laga soo tarxiilay Maraykanka ee la geeyay Cameroon ayaa u kala dhashay dalalka Itoobiya, Ghana, Angola iyo Congo, waxaana dalkaasi laga dajiyay dhammaadkii bishii April.
Maamulka Trump ayaa caddaadisyo adag oo ka dhan ah qaxootiga soo saaray, taasina waxa ay dhalisay in la tarxiilo kuwo badan oo aan dib ugu laaban karin dalkooda oo laga dajiyay dal saddexaad.
Maraykanka waxaa uu heshiisyo arrimaha tarxiilka la gaaray dhowr dal oo Afrikaan ah oo aqbali kara qaxootiga uu soo celinayo, kuwaasi oo sii haynaya shakhsiyaadka inta ay ku laabanayaan dalkoodii asalka ahaa.
Cameroon waxaa ay kamid tahay dalalka heshiiskaasi la saxiixday maamulka Donald Trump.
Qareen arrimaha socdaalka Alma David ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qaxootiga loo tarxiilay Cameroon muddo saddex jeer ah tan iyo bishii Janaayo oo ay ku jirto tarxiilkii u dambeeyay.
Qaxootiga laga dejiyay Cameroon asbuucan ayaa isugu jira lix haween ah iyo saddex rag ah, waxaana ay ku biirayaan 17 qof oo horay looga soo tarxiilay Maraykanka.
