Saraakiil ka socotay ciidanka gaarka ah ee booliska Turkiga (Özel Harekat) ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista tababarka iyo tayeynta ciidanka gaarka ah ee Haramcad, oo Turkigu tababar iyo qalabeynba ka taageero si kor loogu qaado dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Dowladda Turkiga ayaa dhawaan dib u bilaawday tababarka ciidanka booliska gaar ah Haramcad oo loo arko kugu tayada badan booliska Soomaaliya.




