Heemaal News Network

Nin loo jaray Warqaddii Lagu soo Xiri lahaa Oo loo Tagay Isagoo Mayd ah, Markii la…

Madaxii hore ee fulinta shirkadda Streinhoff ee dalka Koonfur Afrika oo loo jaray warqad lagu soo xiri lahaa, ayaa mayd kiisa la helay sida ay boolisku sheegeen.

Warqad soo qabasho ah ayaa loo jaray Markus Jooste oo ah 63 jir, iyo saaxiib kii ay shaqo wadaagga ahaayeen Stephanus Grobler Arbacadii la soo dhaafay, isla maalin taas oo ahayd markii ganaax la dul dhigay Jooste, kaddib musuq iyo wax isdaba marin ay ku heshay Hay’adda Anshaxa Maaliyadda ee FSCA.

Jooste ayaa la helay isaga oo uu ku yaalo dhaawac xabadeed, meel ku dhaw xeebta Kwaaiwater oo ah daafaha magaala xeebeedka Hermanus oo ku dhaw magaalada Cape Town, wuxuna dhintay intii Isbitaalka loo sii waday.

Reuters oo qortay warkan ayaa sheegtay in ay gaari waysay qoyska Jooste, isla markaana aanay wax jawaab ah ka helin shirkadda Sreinhoff.

Shirkaddan oo mar ahayd mid yar oo ka ganacsata alaabbaha guryaha, markii dambena noqotay shirkad caalami ah, ayaa Jooste waxa lagu helay bixinta warbixinno maaliyadeed oo qaldan intii u dhaxaysay sanaddihii 2014 illaa 2017.

Jooste, oo shaqada ka tagay 2017 kii ayaa la filyay in uu is dhiibo, kana soo muuqdo maxkamadda horteeda, Jimcihii la soo dhaafay sida boolisku sheegay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxkamada Doorashada Koonfur Afrika Oo Diiday Dalabka ANC Ee ka Dhanka ah in Xisbiga Zuma Uu Is-diiwaan geliyo

Heemaaln

Ciyaaryahan Caan ah Ee Robinho Oo Lagu Riday Xukun Adag Oo Xabsi ah iyo Dambiga Lagu Helay

Heemaaln

Nin Mareykanka ku Dilay Laba sanno ka Hor Sheekh Maxamed Xasan Oo Lagu Xukumay 78 sanno

Heemaaln