Trump oo su’aal la weydiiyey ka jawaabaya Oval Office, ayaa sheegay in Maraykanku uu “heshiisyo aad u waaweyn” la galay Koonfurta Kuuriya iyo Japan oo ku saabsan dib-u-furista marin cidhiidhiga Hormuz.
Wuxuu kaloo sheegay inuu filayo in wada hadal wanaagsan uu la yeesho Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping marka uu tago Shiinaha usbuuca soo socda.
Trump wuxuu ku celcelinayaa in cunaqabateynta ay si aad u wanaagsan u shaqaynayso, islamarkaana Iran ay “rabto inay heshiis samayso.” “Way ciyaaraan, laakiin ii sheeg—waxay rabaan inay heshiis sameeyaan,” ayuu yidhi.
