Trump Oo Hakiyey Weerar uu ku Qaadi Lahaa Marinka Hormuz

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu si ku-meel-gaar ah u hakiyay howlgal militari oo uu laba maalmood ka hor ku dhawaaqay, kaas oo lagu furayay marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz si ay si nabad ah ugu gudbaan maraakiibta ganacsiga.

Trump ayaa sheegay in go’aankan uu gaaray kaddib codsiyo uga yimid dalal dhowr ah, oo uu ku jiro Pakistan, kuwaas oo ku baaqay in la yareeyo xiisadda sii kordheysa ee gobolka Khaliijka. Wuxuu intaa ku daray in horumar weyn laga sameeyay wadahadallo la xiriira heshiis dhammaystiran oo Mareykanka la gaari karo Iran, si loo soo afjaro xiisadda taagan.

Go’aanka Trump ayaa si degdeg ah uga falcelisay warbaahinta dowladda Iiraan, oo ku tilmaantay tallaabadaasi “dib u gurasho iyo cabsi”, iyagoo sheegay in Trump uu mar kale ka laabtay go’aan adag.

Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ee Axios, oo loo arko mid si dhow ula socota Trump, ayaa sheegtay in kahor qorshaha howlgalka oo loogu magac daray “Freedom Project” la wargeliyay Iiraan. Warbixintu waxay tilmaamtay in Tehran aysan wax jawaab ah ka bixin digniintaas, iyadoo ku adkeysatay mowqifkeeda ah “ha la arko waxa dhaca haddii la dhaqaaqo.”

Si kastaba, hal maalin gudahood kadib xiisaddaas, Trump ayaa hadda muujiyay isbeddel istiraatiiji ah, isagoo sheegay in howlgalka la hakiyay, isla markaana uu jiro rajo xooggan oo laga qabo in heshiis diblomaasiyadeed lagu soo afjaro khilaafka.

Falanqeeyayaal ayaa arrintan u arka mid muujinaysa cadaadis caalami ah oo sii kordhaya iyo cabsi laga qabo in dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolka, gaar ahaan iyadoo marin-biyoodka Hormuz uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka adduunka.

Haddii heshiis la gaaro, waxay noqon kartaa guul diblomaasiyadeed oo weyn, balse haddii uu fashilmo, khubaradu waxay ka digayaan in xaaladdu si degdeg ah uga sii dari karto, taas oo saameyn culus ku yeelan karta dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka.