Maamulka Aqalka Cad ee uu hoggaamiyo Donald Trump ayaa sheegay inuu ku dhow yahay heshiis hordhac ah oo lala gaaro Iiraan, kaas oo lagu soo afjarayo dagaalka isla markaana lagu dhisayo hannaan wadahadallo faahfaahsan oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka.
Sida ay sheegeen ilo ka tirsan dowladda Maraykanka, Washington waxay filaysaa jawaab rasmi ah oo ka timaadda Tehran 48 saacadood ee soo socda. Inkastoo aan weli heshiis rasmi ah la gaarin, haddana tani waxaa lagu tilmaamay marxaladdii ugu dhoweyd ee labada dhinac ay gaaraan tan iyo markii colaaddu bilaabatay.
Heshiiska la qorsheynayo ayaa dhigaya in Iiraan ay joojiso kobcinta uranium-ka muddo cayiman, halka Maraykanku uu qaadi doono cunaqabataynta isla markaana sii deyn doono balaayiin doollar oo hanti Iiraan laga xanibay. Sidoo kale, waxaa la filayaa in la fududeeyo isu socodka maraakiibta ee marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Qorshahan oo ka kooban 14 qodob ayaa sidoo kale dhigaya in la bilaabo muddo 30 maalmood ah oo wadahadallo rasmi ah lagu dhisayo heshiis dhammaystiran, kuwaas oo la filayo inay ka dhacaan Geneva ama Islamabad. Inta muddadaas lagu jiro, xayiraadaha maraakiibta iyo go’doominta ciidamada badda ayaa si tartiib tartiib ah loo qaadi doonaa.
Qodobada illaa iyo hadda la isku fahmay waxaa ka mid ah
1-Iiran iyo Mareykanka waxay qaadi doonaan xannibaadaha marinka Hormuz.
2-Iiraan waxay hakineysaa kobcinta uranium-ka.
3-Mareykanka wuxuu qaadi doonaa cunaqabataynta Iiraan.
4-Lacagaha Iran ee la xanibay waa la sii deyn doonaa.
5-Waxaa bilaabanaya wadahadallo 30 maalmood soconaya.
6-Wadahadalladu waxay ka dhici karaan Islamabad ama Geneva.
7-Iiraan waxay ballanqaadaysaa inaysan sameysan hub nukliyeer ah.
8-Waxaa laga hadlayaa xiritaanka xarumaha nukliyeerka dhulka hoostiisa.
9-Yuraaniyamka sida heerka sare ah loo kobciyay waxaa laga hadlayaa in laga saaro dalka Iiraan oo la geeyo meel kale, Mareykanku wuxuu dalbanayaa in lagu soo wareejiyo balse qodobkaas si buuxda la iskuma raacin.
Haddii wadahadalladu fashilmaan, Mareykanka wuxuu dib u bilaabi karaa tallaabo militari.
