Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Shiinaha, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Shiinaha si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda amni ee gobolka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dagaalka ay Iiraan kusoo qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil. Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu yahay mid “sharci darro ah” oo ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah.
Booqashada wasiir Abbas Araghchi ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed, iyadoo la filayo in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu booqasho ku tago Shiinaha 10 maalmood gudahood. Arrintan ayaa loo arkaa mid muujinaysa istaraatiijiyadda Iiraan ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka awoodda leh.
Dhinaca kale, wasiir Abbas Araghchi ayaa laba toddobaad ka hor sidoo kale booqasho ku tagay dalka Ruushka, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada dal iyo xaaladaha gobolka.
Wararkaan ayaa imanaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo xulafada reer galbeedka ay sii xoogeysanayaan.
