Trump Oo ku Hanjabay In Iran ay la Kulmi-doonto Jab Hadii ay Diido Heshiiska la soo Bandhigay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

Boggiisa Truth Social ayuu ku sheegay in dagaalka iyo cunaqabataynta lagu hayo Iiraan ay ku dhammaan karaan heshiis, balse duqeymaha ay sii xoogeysan karaan haddii Iiraan aysan aqbalin.

Haddii Iiraan “ay oggolaato inay hurto wixii lagu heshiiyay” — taas oo uu ku tilmaamay “qiyaas weyn” — markaas howlgalka loo yaqaan Operation Epic Fury wuu dhammaan doonaa, ayuu sheegay.

Trump wuxuu sidoo kale intaas ku daray in cunaqabataynta Maraykanka ay “u oggolaan doonto marinka Hormuz inuu u furnaado qof walba, oo ay ku jirto Iiraan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku hanjabay in duqeymaha dib loo bilaabi doono haddii Iiraan aysan oggolaan heshiis, isagoo sheegay inay markaas noqon doonaan “si murugo leh, kuwo aad uga xoog badan oo ka daran kuwii hore.”