Heemaal News Network

Maxkamada Doorashada Koonfur Afrika Oo Diiday Dalabka ANC Ee ka Dhanka ah in Xisbiga Zuma Uu Is-diiwaan geliyo

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa ku guuldarreystay damac sharci ah oo uu ku doonayay inuu ku joojiyo xisbi dhawaan la dhisay oo uu taageerayo madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma, kaasoo u tartami lahaa doorashada guud ee May.

Xisbiga uMkhonto we Sizwe (MK) ayaa magaciisa ka soo qaatay garabkii hubaysanaa ee ANC ee hadda burburay.

Maxkamada doorashada ayaa diiday dooda xisbiga ANC ee ah in xisbigu uusan buuxin shuruudihii diiwaan gelinta ee rasmiga ahaa.

Taageerayaasha MK oo ku labisan dharka cagaarka ah ayaa dhoola tuska ka sameeyay banaanka maxkamada kadib markii la aqriyay xukunka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxwayne Biixi Oo Qalinka ku Duugay Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Heemaaln

Telefisino Laga Mamnuucay inay kasii Shaqeeyaan Sudan iyo Dambiyada Lagu Eedeeyay

Heemaaln

Liisaka Musharaxiinta Sinagal Oo La Shaaciyey Iyadoo Laga Reebay Halgamaaga wayn Sonkon

Heemaal