Heemaal News Network

Britain oo balan-qaaday iney Saddex Arrin ka Taageereyso Dowlada Somalia

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mike Nithavrianakis.

Waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Somalia iyo Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee howlgallada looga ciribtirayo Al-shabaab goobaha dalka kaga sugan yihiin iyo dardar-galinta barnaamijka xasillinta degaannada la xoreeyey.

Sidoo kale Salah Jamac ayaa ka waramay hirgalinta mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Dhankiisa Danjiraha ayaa soo dhaweeyey guulaha laga gaaray dagaalka Al shabaab isagoo balan qaaday in UK sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Soomaaliya oo Warbixintii Ugu Horreysay 34 sano kadib u Gudbisay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ee QM

Heemaaln

Dowladda UK Oo Baabi’isay Deymihii ay ku Laheyd Dowladda Somaliya

Heemaaln

Khasaare ka Dhashay Booyad Shidaal Oo ku Basbeeshay Degmada Warta Nabada Ee Muqdisho

Heemaaln